Cabdikariin Xusseen Guulleed oo gaaray magaalada Cadaado

by wadani | Wednesday, Jan 11, 2017

Cadaado : HN :- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay Baarlamaanka Maamulka Galmudug kala noqdeen Kalsoonida ayaa maanta si deg deg ah ku gaaray magaalada Cadaado, isagoona diyaarad gaar ah ka qaatay magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed, Masuuliyiin katirsan Galmudug, Saraakiil ciidan oo katirsan AMISOM iyo dowlada iyo dad aan sidaa u tiro badneyn.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha la socday ayaa tagay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxa ayna halkaasi kulamo kula leeyahay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug iyo waxgaradka magaalada Cadaado.

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeeday Cabdi Kariin Xuseen laguna taageerayay xil kaqaadistii Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen ayaa manata ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Cadaado.

Banaan baxa waxaa soo qaban qaabiyay shcabka ku dhaqan magaalada Cadaado ,kuwaa oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Xilkii laga qaaday Madaxweynihii Galmudug, waxa ayna bogaadiyeen go’aankii ay gaareen Baarlamaanka Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa xiisad siyaasad oo ka dhax aloosan Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo hogaanka sare ee maamulkaasi, C/Kariin Guuleed ayaan iska diiday xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.







Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!