CabdiQeybdiid oo eedeeyn u jeediyay maamul gobolleedka Puntlanad

by admin | Monday, Sep 22, 2014

Gaalkacyo : HN :– Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid oo madaxweyne ka ah maamulka koonfurta Mudug ayaa ka hadlay xayirad ay dowladda Puntland ku soo rogtay inuu ka soo dago garoon macmal ah oo dhawaan Galmudug ay ka dhistay koonfurta Gaalkacyo.

Qeybdiid ayaa sheegay in warqad cabasho ah ay u direen madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka, taas oo ay kaga cabanayaan xayiraad uu sheegay in dowladda Puntland ku soo rogtay garoon dhawaan laga furay koofurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Cabdi Qeybdiid waxa uu sheegay in ay ka codsadeen dowladda in ay jawaab ka siiso xayiraadaasi muddo sadax cisho ah,waxuuna inta ku daray haddii ay wax jawaab ah aaney helin in shacabka Galmudug ay qaadan doonaan go’aan ah in ayan aqbalin in labo garoon oo hal magaalo kuwada yaalla mid uu shaqeeyo midna uu xirnaado.

Qaybdiid waxaa kalo uu caddeeyey inuu muddo 3 maalmood diyaarad la’aan ugu xayiran yahay magaalada Muqdisho, wuxuunaCabdi-Qeybdiid tilmaamay inay Puntland ka mamnuuceen diyaaradaha rakaabka inay ku deggaan garoonka diyaaradaha ee ku yaalla duleedka koonfurta Gaalkacayo.

“Waxaan xiriir la sameeyey madaxweynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa oo aan kala hadlay sidii xanibaadda looga qaadi lahaa Garoonkaasi” ayuu yiri Cabdi Qeybiid isagoo u warramayey BBC-da,waxuuna inta ku daray inay Madaxweynaha Puntland Jimcihii la soo dhaafay isku afgarteen in xayiraadda laga qaado garoonkaasi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waraysi uu bixinayey waxuu ku soo qaaday in arrinkii uu madaxda Puntland kula heshiiyey lagu ballan-furay, isla markaana ay Puntland ugu hanjabtay diyaaradaha ku dego Garoonka koonfurta Gaalkacayo in lagala noqon doono ruqsadda ay ku soo degaan garoonka diyaaradaha ee waqooyiga Gaalkacayo.

Khilaafadka labada dhinac ayaa u muuqanaya inuu sii xumaanayo,waxaana laga war dhowraya dowladda federalka iyo wakiilladda beesha caalamka inay u kala dab-qaadaan Galmudug iyo Puntland, si xal looga gaaro muranka ka dhashay xanibaadda Garoonka Diyaaradaha ee Koonfurta Gaalkacayo.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda dowladda Puntland kaas oo ku aadan xiyaraada uu sheegay madaxweynaha Galmudug in lugu soo rogay garoon macmal ah oo dhawaan Galmudug ay ka dhistay koonfurta Gaalkacyo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!