Cabdiqeydiid oo sheegay in uu Cadaado ka furmayo shirka dhismaha maamulka G/dhexe

by admin | Sunday, Mar 29, 2015

Cadaado : HN :– Iyadoo wali aad moodo in uu taagan yahay muran la xiriira halka lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayuu sheegay madaxweynaha mamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid in dhawaan magaalada Cadaado uu si rasmi ah uga furmi doono shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in mudo sagaal bilood ah la lumiyo sidda uu hadalka u dhigay waqti wax badan lagu qabsan karay, isaga sheegay laga soo bilaabo maalintii la saxiixay dhismaha maamul ay yeeshaan bulshada gobollada dhexe ilaa iyo maanta aysan jirin wax qabsoomay.

“Waxaa nasiib darro ah in muddo sagaal bilood inay ka soo wareegatay markii la saxiixay heshiiskii Maamulka labada gobol ee MudugJen.Cabdi-Qeybdiid-oo-Garoowe-ku-wajahan iyo Galgaduud lagu mideynayay, ilaa iyo hadana waxba kama aanay qabsoomin, balse waxaa rajeyneynaa in maalmaha soo socda inuu shirkii maamulka loogu dhisi lahaa uu ka furmo Cadaado”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharaxiinta ay ku leeyihiin khilaafka ka jira meesha shirka lagu qabanayo, ayna kala taageersan yihiin Dhuusa Mareeb iyo Cadaado.

Dhinaca kale odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmada Dhuusa-mareeb, ayaa dhinacooda sheegay in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe uu ka furmayo dhawaan degmada Dhuusa-mareeb.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!