Cabdiraxmaan Diinaari oo u sharaxan xilka madaxweynaha gobolada dhexe

by Yahye | Friday, Dec 12, 2014

Muqdisho: HN:- Siyaasiga danjire C/llaahi Nuur Maxamed “Diinaari” ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee maamulka gobolada dhexe ee ka kooban gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Diinaaraha oo la hadlay warbaahinta ayaa Waxa uu sheegay in uu taageero buuxda ka heysto Soomaalida ku nool dalka Koonfur Sudan, kadib markii uu si wanaagsan ula shaqeeyay xilligii uu danjiraha ka ahaa dalkaasi, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono horumarka gobolladaasi.

Waxaa soo badanaya dadka u sharaxan xilka madaxtinimada maamulka loo sameeyn doono gobollada Galgaduud iyo Mudug. Diinaari ayaa sheegay in isagu shqsi ahaan ka shaqeyn doono hormarinta dadka dega Goboladaasi.

Waxa socda qorshihii ugu dambeeyay ee Maamul loogu sameynayo maamulka Gobolda dhexe, Gaar ahaan gobolada Galgaduud iyo Mudug waxana ku sugan Goboladaasi Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!