Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe oo ka soo horjeestay nidaamka 4.5

by wadani | Sunday, Dec 13, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo khudbado ka jeediyay shirweynaha ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marnaba aqbali doonin doorashada daneb ee dalka ka dhici doonta lagu soo xulo xildhibaannada nidaamka 4.5.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdwali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in bulshada uu ku matalayo shirka marnaba raali ka noqon doonin siddda uu hadalka u dhigay in xildhibaan aan laga soo dooran degaanka uu ka mid noqdo baarlamaanka Soomaaliya.

Siddoo kale, madaxweynaha maamulka Jubbaland  Axmed Madoobe oo kheediyaGaas-iyo-axmed-madoobey khudbad la mid ah tan Cabdiwali Gaas, ayaa sheegay in wax la aqbali karo aheyn in mar kale dalka sidda uu hadalka ku dhigay lagu soo dhaqo nidaamka 4.5, taa badalkeedana loo baahan yahay in doorashada lagu saleeyo 18kii gobol ee Soomaaliya.

Laakiin mowqifka labada mas’uul waxaa ka hor yimid madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan oo sheegay in nidaamka 4.5ka yahay kan kale ee waqtiga la qaadan karo, si beellaha Soomaalida oo dhan isaga dhax arkaan nidaamka dowladdeed.

Shirka ayaa socon doona muddo labo cisho waxaana lagu waddaa in ugu danbeyntii laga soo saaro natiijo leysku wadda raacsan yahay oo ku saleysan qaabka ay u dhici doonto doorashada soo socta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!