Cabdiwali Gaas” mooshinka laga keenay xukuumada ma’aha mid sax ah

by admin | Thursday, Nov 27, 2014

Boosaaso : HN :– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa isaga oo jooga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa uu ku tilmaamay khilaafka madaxda sare ee dowladda federaalka mid ku soo beegmay xili aan munaasabad ku aheyn.

Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in waqtigan mooshin laga keeno xukuumada uu hogaamiyo Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, halkii loo baahnaa ayuu yiri in dowladda ku mashquusho howlo kale oo hor yaalla.

“Waxan u aragnaa xiligan inaysan munaasib ahayn in la keeno mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, mooshinka marka la keenayo waagaasss-620x330 inuu yahay mooshin sax ah wanaagna soo kordhinaya”

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka inay xal ka gaaraan khilaafka dibna looga fiirsado mooshinka, maadaama sida uu tilmaamay mooshinkaasi caqabad ku noqon doono habsami u socodka qorshaha la doonayo in lagu gaaro hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Puntland oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa gelinkii hore ee maanta magaalada Boosaaso soo gaareen, muddo todobaad ah ayuu Boosaaso sii joogi doonaa isagoo la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana kormeeri doona qaar kamid ah xarumaha dowladda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!