Cabdiwali Gaas” shacabka reer Gaalkacyo waa in ay nabad ka shaqeeyaan

by wadani | Sunday, Dec 20, 2015

Gaalkacyo : HN :–Madaxweyna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee dhex maray Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada bishii la soo dhaafay.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in shacabka ku nool Gaalkacyo laga doonayo inay dhowraan heshiiska, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka magaalada.Cabdi-Weli-Gaas

“Waxaan leeyahay shacabka reer Gaalkacyo nabada waa Ukun, Ukunna waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo oo meel fiican la dhigo hadii la tuuro wey jabeysaa, waxaan Reer Gaalkacyo ugu baaqayaa in ay ka shaqeyaan Nabadda iyo Ilaalinta wada daganaanshaha Gobolka Mudug”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas oo maalin ka hor dib ugu laabtay Gaalkacyo.

Ugu danbeytnii xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa caadi ku soo laabatay, iyadoo dadkii ka barakacay ay dib ugu soo laabteen, waxaa dib u bilowday ganacsigii, isu socodkii iyo is dhex galka labada bulsho ee wada dega waqooyi iyo koofur, waxaana dadka Gaalkacyo ay yihiin wiil iyo abtigii.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!