Cabsi ka taagan degmada Jilib iyo dadka oo bilaabay in ay ka barakacaan

by admin | Tuesday, Oct 7, 2014

Jilib : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubbad dhexe ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan soo food saartay cabi sy ka qabaan dagaallo halkaa ka dhacay, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM la sheegay in ay halkaa ku wajahan yihiin.

Qoysas ayaa ka  bacarakaca degmada  kaddib markii gobollada Jubbooyinka uu dhowaan ka billowday howlgal milateri oo ay wadaan ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM, kaas oo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga sifeeyo gobolladaas.

Cabdi Aadan Dhaqane, oo ah hor-jooge mid ka mid ah kaamamka dadka barakacay ee ku yaalla Kismaayo ayaa u sheegay warbaahinta inbeled-xaawo ay kaamamka soo gaareen dad badan oo ka soo barakacaya deegaannada miyiga ee gobollada Jubbooyinka.

Wuxuu ka codsaday maamulka KMG ah ee Jubba iyo hay’adaha samafalka in la caawiyo qoysaska barakacaya ee soo gaaraya magaalada Kismaayo.

Ciidanka maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya ayaa horraantii toddobaadkan ka billaabay gobolka Jubbada Hoose howlgal milateri oo ay kooxda Al-Shabaab uga sifeynayaan deegaannada ay uga sugan tahay gobolka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!