Cadaado iyo Dhuusa mareeb oo isku heysta halka lagu qabanayo shirka maamulka gobolada dhexe

by Yahye | Friday, Oct 10, 2014

Muqdisho; HN;- Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee lagu waday inuu furmo ayaa waxaa soo baxaya muran ku aadan halka lagu qabanayo.

Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado ayaa ku tartamaya halka gogosha la dhigayo.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan caasimada Galgaduud ee Dhuusa-mareeb ayaa doonaya in shirka uu ka dhacayo Dhuusa-mareeb maadama ay tahay caasimadii gobolkaasi inkastoo warkaasi aan u cuntamin maamulka Ximan iyo Xeeb oo dhankooda doonayo in shirkaasi Cadaado lagu qabto.

Shirar kala gooni gooni ah ayaa ka soconaya magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb kuwaasi oo salka ku haya halka ugu haboon ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabanayo, sidoo kale dadaalo ayay kooxahani ka wadaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyadoo koox waliba ku dadaaleyso inay hesho kalsoonida dowlada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in maamul mideysan loo sameynayo maamulada ka jira gobolada dhexe, in kastoo maamulka Puntland uu diiday in qeybta Mudug ee ka tirsan maamulkooda aanay waxba ka quseyn.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!