Cadde Duqoow oo loo magacaabay danjiraha Soomaalia ee Ruushka

by admin | Friday, Oct 30, 2015

Muqdisho : HN :–Ku dhawaad 25 sanno kaddib dowladda Soomaaliya ayaa maanta u magacaawday danjire cusub dalka Ruushka.

Safiirka Somalia ee Ruushka ayaa loo magacaabay, C/llaahi Max’ed Warsame (Cadde Duqow), wuxuu horay u ahaan madaxii machadkii farsamada iyo ganacsiga ee Somalia tan iyo sannadkii 1991-kii, markaasoo xukunka laga tuuray dowladdii hore ee Soomaaliya.

Dowladda militariga ahayd ee Soomaaliya ayaa waxay xiriir dhow la lahayd Midowgii Sofiyeeti, waxayna ciidanka Somalia ka taageeri jirtay tababarada iyo qalabeynta, inkastoo xiriirkoodu xumaaday markii ay dowladda Ruushku taageertay Itoobiya dagaalkii Somalia iyo Itoobiya dhexmaray sannadihii todobaatameeyadii.

20151030635817616610594607Adde_Duqow_660Danjire Warsame ayaa wax ku bartay dalka Ruushka. Sidoo kalena soo noqday agaasimihii hay’adda UNDP ee Soomaaliya. Waxaana loo arkaa danjiraha cusub mas’uul leh waayo-aragnimo buuxda oo uu uga qaybqaadan karo xiriirka labada waddan ee horay xulufada u ahaa.

Sidoo kale, danjiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday Ruushka ayaa wuxuu bedeli doona wakiilkii hore ee Soomaaliya u joogay Ruushka, Maxamed Maxamuud Xandulle oo shaqeynayay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Waxay Somalia kasoo kabanaysaa colaadihii 25-ka sano socday, iyadoo isku dayaysa inay soo celiso xiriirkii ay dalalka caalamka la lahayd, iyadoo labadii sano ee u dambeeyay soo ceshatay xiriirkii ay la lahayd dalal badan oo caalamka ah.

Intii ay Somalia ka socdeen colaadaha sokeeye, wuxuu Ruushku deeq-waxbarasho siiyay boqollaal arday Soomaaliyeed ah, kuwaasoo markii dambe u tahriibay waddamada Yurub qaarkood.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay door wanaagsan ka ciyaartay dhismaha iyo qalabeynta millateriga Somalia sannadihii toddobaatameeyadii, waxayna ku soo tababarteen saraakiil badan oo Soomaaliyeed waddanka Ruushka.

Dalal ay ka mid tahay Mareykanka ayaa xiriirkii siyaasadeed u jaray Soomaaliya markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, markaasoo dalka ay isku hardinayeen dagaal-oogayaal ku loolamayay xukunka dalka.

Ugu dambeyn, markii Somalia ay ka baxday xilligii KMG ahaa isla markaana laga saaray deegaanno badan oo caasimadda Somalia ee Muqdisho ku dhow xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ayaa waddamo badan oo caalamka waxay billaabeen inay dib u soo celiyaan xiriirkii siyaasadeed ee ay la lahaayeen Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!