Caleentaa cagaarani waa cadawgeenna koowaad. WQ: Dirir Cabdi

by admin | Tuesday, Feb 21, 2012

Waa caadi iyo wax la garawsan karo in bulsha kasta yeelato marxalado taariikheed oo ku astaameysan xumaan iyo wanaag, murugo iyo farxad, nabad iyo colaad. Ereyadan in aan ku bilaabo qoraalkeyga waxaan u doorbiday in Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto kuna raagtay marxalad murugo iyo xanuun badan maadaama ay beeylah iyo baadi u noqotay cadaw farabadan, noocyo badan isla markaana ujeedooyin kala duwan leh:

1) Midbaa ku wajahan dilka iyo la dagaal dadkeenna.
2) Midbaa duulaan ku ah dhaqaalaha iyo kheyraadka dalka.
3) Midbaa u soo tafaxeytay caafimaadka iyo waxtarka dadka.
4) Mid kale wuxuu weerar ku yahay dabargoynta duunyada la dhaqdo ama duurjoogta iyo xaalufinta (desertification) degaanka.
5) Mid kale wuxuu weerar ku yahay in uu naga bahdilo xagga diinta iyo dhaqanka suuban oo soo jireenka ah.

Balse qoralkeyga maanta waxa uu ku wajahan yahay in uu diiradda saaro fartana ku fiiqo cadawga ugu xun uguna dhibaato iyo eelfog oo nagu haya weerar jihooyin badan xag naf iyo nolol, xag dhaqaale, xag caafimaam, xag nabadgalyo, xag dhaqan iyo bulsho intaba. Waan hubaa oo kuma qaldani haddii aan dhaho Qaadku (Sunta cagaaran) waa cadaw dadkenna iyo degaankeenna ku haya dhibaato baaxadweyn oo leh saameeyn fog. Qaadku waxba ma hambeyn oo waxa uu nagala diriray dhan kasta, bal milicso oo qiyaas:
1) Inta dhaqaale iyo lacag adag maalin kasta dibadda loo diro ayadoo lagu soo bedelanayo cudur iyo aafo bulshadeed.
2) Inta uu balwad ahaan u dilooday oo si ay u raagiliyaan dooqooda habawsan qoriga adeegsada dad ku laaya duunyana ku dhaca.
3) Inta cudur uu sababay la ildaran oo ku dan iyo tabar seegtay.
4) Inta dayac iyo daryeel xumo meelaha la taagan, naftooda iyo nadaafada jirkooda iloobay.
5) Inta qooys uu kala diray kadibna caruur badan ku daryeel iyo xanaano weyday.
6) Inta fadhigiisa ku danseegtay waqtina u weyday gudasha cibaadada Rabbi iyo daryeelka dantooda iyo doorka kaga aadan bulshada iyo wax-qabadkeeda.
7) Inta dibadda iyo gudaha dalka u go’doontay cunidiisa ku dan iyo mustaqbal seegtay.

Cadawgu hadduu middi kugu soo weeraro waad ka gashaamataa, ka carartaa ama waxaaba dhici karta in uu kuu geysto dhaawac fudud oo aad maalmo uga bogsato.

Haddii cawdagu xabbad iyo qori kuu adegsado waad ka tabaabusheysataa oo aad u diyaargarawdaa sidii aad isu badbaadin lahayd, haddii uu ku dilana waxaad u dhimaneysaa si deg deg ah oo xayi ah waana laga sabraa maadaama geeridu tahay wax la filayay balse waqtigeedaa aan la aqoon. Qaadku waa cadaw dabeecad ahaan ka duwan kuwa kale oo waxa uu kuula diriraa si doqon-magarata ah. Tirobadani maba dareensana dhibatadiisa oo waxa ay daacad u noqdeen raaligalinta awaamirtiisa khaldan, inta aafadiisa dareentaa waxa ay fahmaan mar talo fara-ka-baxday oo wax u dhaqan ama u fayoow aanay jirin xag caafimaad, xag dhaqaale, xag qooys, xag karaamo iyo door-bulsho intaba. Qaadku waa cadawga dhabta ah ee ummaadeenna, waa dhibaato bulsho oo eelkeedu fog tahay, waa cadaw aan waxba hambeyn oo werar jihooyin badan nagu haya nagana adkaaday oo si fiican dhulka noogu jiiday. Qaadka ka hadalkiisu waa wax murugo iyo tiraanyo leh isla markaana dad badani aanay u lahayn dhug, dhiifoonaan iyo dareen ay ku fahmaan dhibaatadiisa baahsan  oo qotada-dheer.

Anigiyo dareenkeey
doc kastaba ka eego

qaad dalamsigaan jira

daliilkiis wuxuu yahay

rabitaan daciifiyo

dooq lagu bartaa jira

marka uu ku daashado

dhiigaa dareeriyo
dareemadaada uu galo
nafta waa duleeystaa
saga la dabagali
oo siduu doono yeela ah.

Dabci-xumo la daa’imo
haddaan loo dulqaadanin
dhaqan reerka dumin kara
daryeel xumo caruur iyo
xoolo daadis caaqnimo
qaadkaa loogu dawgalay.
Intaa waxa ka sii daran
waa duul la yaab lehe
nadaafada u darana
afku waa daryeel xumo

Ilkahaa ka sii daran
dabaq hoose meel xiran

dabeyshu aanay soo galin
darbi meel banana iyo
baabuur dushiis iyo
dariiqey ku cunayaan.
Daryeel caafimaad iyo
digtoonaanta cudurada.
diwaankoodu maba qoro.

Dhan kastaba ha laga dayo
suntan tii u daran iyo
waxay diintu reebtiyo
dacar qooshan weeyaan
dabar-gooyadiisuna
waxaan la’isku diideyn
iyo xaq daliil leh weeyaan.
Dambi hooyadiis iyo
dullinimada hoygeed

Xumaan oo dhan duuduub
duruusteed asaa dhiga
dusgigeeda weeyaan.

Mahadsanidin.

Dirir Cabdi Goodax
00447960956384
London 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!