Cali Ameerico” dowladda Kenya waan ka wadda hadalnay in aan dadka Soomaalida ah la dhibaateyn

by admin | Friday, Dec 5, 2014

Muqdisho : HN :– Danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo maanta wareysi siinayay idaacada ku hadasha afka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dalalka ka dhaca Kenya oo ay sheegtaan Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in dowladda Kenya ay kala hadleen arrinta darteed aan loo dhibaateyn dadka Soomaalida ah.

“Innagu waan u sheegnay in falkaas uu ahaa mid khalad ah oo ay geysteen kooxo argaga-xiso ah, waanan u sheegnay xukuumadda Kenya inay dilalkaas ahaayeen kuwo khalad ah oo aan aad uga xunnahay,” ayuu yiri danjiraha oo ka hadlayay dilal ay 64-qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ahaa masiixiyiin.

Sidoo kale, danjiraha wuxuu xusay in Al-shabaab ay doonayso inay kala qaybiso shacabka Kenya, wuxuuna xusay in Kenya ay ku noolAmeriko yihiin Somali fara badan oo ay ka mid yihiin arday wax ka barta dalkaas iyo ganacsato.

“Waan la hadalnay Soomaalida ku nool Kenya, waxaana u sheegnay inay is-dajiyaan oo ay taxadaraan, waxaana u ballanqaadnay safaarad ahaa in haddii ay wax dhacaan aan caawin doonno. Dowladda Kenyana waxay noo sheegtay inaysan dhici doonin dhibaatooyin loo geysto Soomaalida,” ayuu ku daray hadalkiisa danjire Ameeriko.

Ugu dabeyntii danjiraha ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka Kenya ay ku wargeliyeen in haddii ay qof Soomaali ah dambi ku qabtaan in maxkamad la horgeeyo oo aysan maalin ka badan xabsiga lagu hayn, iyaguna ay diyaar u yihiin inay dalkiisa ku celiyaan haddii ay dambi ku helaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!