Cali C/llaahi Cosoble”mooshinka laga keenay madaxweynaha waa mid dalka dib u dhac u keeni kara

by admin | Friday, Aug 14, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirkii hore ee wasaarrada waxbarashada ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, Cali C/llaahi Cosobole ayaa isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ka hadllay mooshinka mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ka keeneen madaxweyne Xassan Sheekh, isaga oo sheegay in mooshinkaasi yahay mid lagu deg degay.

Cali C/llaahi Cosoble oo u warramay Warbaahinta ayaa intaas ku daray in mooshinkan uu yahay mid keeni karo qalalaase siyaasadeed,Cali_Cabdullaahi_Cosoble_Siyaad_660 dibna u dhigi kara horumarrada la doonayo in la higsado.

Sidoo kale, wasiirkan hore ayaa tilmaamay in mooshinkan uu caqabadda weyn ku keenayo maamullada dalka loo dhisayo iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa inay doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka.

“Waxaan is leeyahay mooshinka waa mid caqabad ku keeni kara ay sameyneyso dowladda Soomaaliya & sameynta dowlad-gobaleedyada, Dowladdii ka shaqeyn lahayd Arrimahan haddii lagu Mashquuliyo hawl kale wey iska caddahay in waxba aysan socon doonin, waa arrin dhibaato ah, kuna ah caqabad wixii dalka u qabsoomi lahaa,” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble Siyaad.

Ugu dambeyn, Wasiirkii Waxbarashada DKMG-ka ahayd ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia inay eegaan meesha uu dalku u socdo, isla markaana ka fikiraan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!