Cali Dheere” weerarkii Xalane waxaa ugu aargudnay dilkii hogaamiyaheenii hore

by admin | Friday, Dec 26, 2014

Muqdisho : HN :– Afhayeenka xarrakada Al-shabaab ninka lagu magacaabo Cali Max’uud Raagge [Cali Dheere] ayaa u sheegay warbaahinta ku hadashay afka kooxda in weerarkii Xalane uu ahaa mid aargoosi ah oo ay ugu aar-gudayeen dilkii hogeemiyahoodii hore sidda uu hadalka u dhigay.

“Mujaahidiinta waxay weerar diyaarsan ku qaadeen xarunta sharta ugu weyneyd ee geeska Afrika laga maamulayay, xaruntaas ay degan yihiin gaalada ku soo duushay, hadey ahaan lahaayeen heydadaha sirdoonka, ciidamada afrikaanta, iyo saraakiishooda caddaan iyo madow, xaruntaasoo ah meeshii la dhihi jiray dugsiga tababarka ee Xalane”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay inay ku dileen weerarkaas ilaa 14 sarkaa ka tirsanaa AMISOM iyo afar sarkaal caddaan ah, waxaanaCali-dheeri-al-shabab uu xusay in khasaarahaas uu ahaa horu dhac iyo warka ay u soo gudbiyeen ragga hubeysan ee gudaha u galay xerada.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay socotay xaflad dabaal dega ciida masiixiga, waxaana uu tilmaamay in goobta ay gaareen ay aheyd meeshii ay ku sugnaayeen saraakiisha u sareysay, oo aan askari dable ah iyo shacab midna aanay joogin sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarka ay ku qaadeen Xerada Xalane ay ugu aar-gudayeen Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr oo loo yaqaanay Axmed Cabdi Godane, kaasoo horaantii bishii September Mareykanka uu ku dilay duqeyn cirka ah meel ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkii shalay ayaa war-saaxaafadeed ka soo baxay midowgga Africa waxaa lagu sheegay in ay ku dhinteen ilaa sagaal ruux oo saddex ka mid ah ay hayeen askarta AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!