Cali Dheere”Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee madaxtooyada waxaa ku beegsanay qoliyihii shirka u fadhiyay

by admin | Wednesday, Sep 23, 2015

Muqdisho : HN :–Af-hayaanka xarrakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage ”Cali Dheere” ayaa sheegay in weerarkii is-miidaaminta ahaa ee habeen ka hor ay Al-shabaab la beegsatay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Weerarkaas ay ku dileen in ka badan 30-qof.

Afhayeenka ayaa intaa ku darray in weerarkaas ay ka lahaayeen ujeeddo, isla markaana lala beegsaday dhinacyadii uu shirka Hiigsiga Somalia ee 2016-ka uga socday Xarunta Madaxtooyada Somalia.Afhayeenka_Al_shabaab_Somalia

“Weerarkii Madaxtooyada Somalia wuxuu ahaa mid ujeeddoo laga lahaa, waayo dhowrkii maalmood ee u dambeysay waxay halkaas Shirar ummadda Muslimiinta ee Somaaliyeed lagu Shir-qoolayay ay uga socdeen Hogaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada, Xubno ka socday Waxa loogu yeero Beesha Caalamka iyo xubno kale, Hadafkeennuna wuxuu ahaa inaan kuwaas ku layno,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

Sidoo kale, Afhayeenku Al-shabaab wuxuu xusay in weerarkaas uu ahaa mid aysan gooni ula beegsanayn Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay balse dhammaan intii uu shirku u socday ay ku beegsanayeen.

“Ninkaas Nicholas Kay la yiraahdo wuxuu ka mid ahaa ragga meesha ku shirayay waliba kuwa ugu waa weyn,weerarkuna wuxuu ahaa mid guud ee dan gaar ah oo isaga nooga xiran ma jirto; balse qayb ayuu ka yahay kuwa bartilmaameedka noo ahaa,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka guud ee Al-shabaab.

Qaraxa ayaa lagu Dilay in ka badan 11-qof oo isugu jiray, Askar, Shacab iyo Dad Ajaanib ahaa oo kasoo baxayay Madaxtooyada, kuwaasoo u dhashay Waddanka Poland, waxaana Qaraxa uu burbur xooggan u geystay dhismayaal ay hoteello ka mid yihiin oo ku dhawaa Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa kusoo Beegmay Xilli uu soo Dhammaaday Shirkii looga hadlayay doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2016-ka, iyadoo dadka ay kasoo gaartay wayxeellada ay ku jireen ilaalo la socotay Danjire Nicholas Kay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!