Cali Khaliif Galeyr oo eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya

by admin | Monday, Nov 24, 2014

USA : HN :– Madaxweynaha maamulka la baxay Khatumo State Pro Cali Khaliif Galeyr ayaa isaga oo jooga dalka Mareykanka ku eedeeyay dowladda federaalka in ay ka cag-jiideyso aqoosiga maamulka Khatumo State.

“Dowladda faderaalka wax ka caga jiidaysa aqoonsiga maamulka Khaatumo,arrintana waxay ka hor imaanaysa qorsha lugu hirgalinayo nidamka faderaalka,”ayuu yiri Galeyr madaxweynaha Khaatumo.

Isaga oo wareysi siinayay madaxweyne Galeyr  BBC-da waxaa uu sheegay in  beesha caalam in ay farrin u direen maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Galeyr ayaa intaa ku darray in caalamku si cad ugu baaqay  in labada maamul ee la dariska ah Khaatumo in ay faraha kala baxaanGaleyrrrrrr howlaha iyo deegaannada hoos taga Khaatumo,sida uu sheegay Cali Khaliif.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa labaduba sheegta dhulka deegaannada Khaatumo inay yihiin kuwo hoos taga,balse xilligan madaxweynaha maamulka ayaa sheegay caalamku inuu arrinta ka soo horjeedo.

“Waxaa loo sheegay inay kala baxan howlaha shaqo iyo deegaannada Khaatumo Puntland iyo Soomaaliland oo daris nala ah,”ayuu yiri madaxweynaha Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Khatumo ayaa hadda socdaal shaqo ku jooga dalka Mareykanka isaga oo halkaa kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan dalkaas.

Hiiraan Net..

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!