Cali Khaliif” haddii nabad wax lagu waayo dagaalka waa lama huraan in la gallo

by admin | Thursday, Feb 19, 2015

Muqdisho : HN :–Pro Cali Khaliif Galeyr oo ah madaxweynaha maamulka Khatumo State ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii uu ula dagaalami lahaa ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanada lagu muransan yahay ee Sool iyo Sanaag.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Cali Khaliif in 10-kii cisho ee ugu dambeeyay ay dagaalo ka dhacayeen deegaano ka tirsan Sool, isagoo xusay in Ciidamaa Somaliland lagu weeraray deegaano ay joogeen sida uu yiri.

“10-kii cisho ee ugu dambeeyay is difaac iyo ciidamo Khaatumo ka tirsan ayaa waxay meel walba ku weerareen ciidanka SomalilandProf-Galeydh, waxaa ugu dambeysan weerar habeen hore dhacay”ayuu yiri Cali Khaliif oo intaa ku daray inay dadaal ugu jiraan sidii dhulka ka maqan u soo ceshan lahaayeen.

Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku fidi doono magaalo walba iyo tuulo kasta, isagoo xusay inay dejiyeen wada tashi iyo qorshe, sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay doonayaan inay nabad kula noolaadaan maamulada deriska la ah, hase ahaatee aana xoog marna ogolaaneyn.

“Hadii aan nabad la helin waxaa waajib inaan dagaalano oo aan meelaha nagala heysto xoreysano, taas bey fikirkeena ku soo uruureysaa, anaga waxaa naga balan ah umada waxa danteeda inaan ka shaqeyno”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Khaatumo.

Dagaalo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay laga soo sheegayay deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo la sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen meelo u dhow deegaano ay ku sugan yihiin Maamulka Khaatumo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!