Canada oo lagu xiray Soomaali lagu eedeeyey inuu afduubay wariyeyaal

by admin | Saturday, Jun 13, 2015

Canada HN :- Booliiska dalka Canada ayaa ku xiray magaalada Ottawa nin Soomaali ah oo lagu eedeynayo in uu qeyb ka ahaa afduub sannadkii 2008 gudaha Soomaaliya loogu geystay laba wariye

Cali Cumar Adeer ayaa lala xiriirinayaa in uu kaalin ka qaatay wada-xaajoodyadii lagu siideynayey Amanda Lindhout oo u dhalatay Canada iyo Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia.

Ninkan ayaa la sheegay in uu muddo afar cisho ah ku sugnaa Canada isagoo ka yimid Soomaaliya kuna tagay dalkaas qaab sharci ah sida laga soo xigtay saraakiil booliis ah.

Labada wariye ayaa la siidaayey bishii November 2009 kaddib markii la heystay 15 bilood ah.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!