Carruur ku dhimatay Qarax magaalada Muqdisho

by wadani | Tuesday, Feb 13, 2018

Muqdisho : HN :-Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in maqribnimadii caawa Carruur ku cayaareysay Walxaha Qarxa ay la qaraxday, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Carruurtan oo laba aheyd ayaa Walxaha qarxa ku heystay Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, iyaga oo ku cayaaraya ayay mar qura la qaraxday.

Qof joobjooge ah ayaa in oo sheegay caruurta Walxahan Qarxa ku cayaareysay in ay ahaayeen Darbi jiif, kuwaasi oo aanan kala garaneynin in birahan ay ku cayaarayeen ay dhibaato ka soo gaari karto.

Gaadiidkooda gurmadka deg dega ah, iyo qaar ka tirsan shaqaale caafimaad oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka qaaday Meydka mid ka mid ah caruurta iyo mid kale oo uu dhaawac soo gaaray, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan faras magaalaha marka aad mareyso waxa aad ku arkeysaa Carruur aanan laheyn Hoy oo nolosha ka dhacay, Dowladda Federaalka waxay masuuliyad ka saaran tahay xanaaneynta caruurtaasi, kaalintaasi ilaa hadda ma muuqato.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!