Caruur qarax ugu dhimatay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Jan 14, 2015

Buula-burte : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo caruura ay u geeriyoodeen qarax ka dhashay walxo ay ku cayaarayeen, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay halka lagu magacaabo Bardaha.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen labo caruur ah halka mid kalena uu dhaawac halis ah ka soo gaaray.

Duqa degmada Buulo-burte Cusmaan Geeddi Cilmi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray2014318635307260939925100Dedmada_Buulo_burte_Somalia_MP carruurta.

Wuxuu xusay in wiilka dhaawacmay oo xaalad garaab ah ku jira lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taalla degmada Buulo Burde taasoo uu sheegay ineysan wax badan ka qaban Karin gargaarka caafimaad ee uu u baahan yahay wiilkaas, ayna qorsheynayaan in loo soo qaado Muqdisho.

Dalka Soomaaliya caruur faro badan ayaa u dhimatay qaar kalana xubnahoodii ayeey ku waayeen qaraxyo ka dhashay walxo kala duwan oo ay ku cayaarayeen inta badan caruurtaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!