Cayaaraha gobollada Somaliland oo Burco ka furmay

by admin | Saturday, Dec 3, 2011

Burco: HN: Tartanka cayaaraha gobollada hoos taga maamulka Somaliland ayaa maanta ka furmay garoonka kubbadda cagta Alamsey ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyadoo cayaartii furitaankana ay dhex martay Togdheer iyo Maroodi-jeex.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa furay tartanka, waxaana cayaartii furitaanka ahayd daawashadeeda ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo dadweyne tiro badan.

Cayaartii furitaanka waxay ku soo dhammaatay barbarro gool iyo gool ah.

Tartanka oo isugu jira kubbadda cagta, kubbadda koleyga iyo orodka ayaa waxaa ka qeyb galaya 8 kooxood.

Tartanka oo lagu bixin doono abaal-marinno ayaa lagu wadaa inuu qaadan doono muddo ka badan 3 toddobaad.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!