Ceydiid Ilka-xanaf” qofkii dastuurka jabiyaa xukunkiisa waxaa uu noqon karaa dil

by admin | Thursday, Dec 11, 2014

Muqdisho : HN :–Abuu-kaate Ceydiid C/llaahi Ilka Xanaf guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka ayaa sheegay in qofkii dastuurka xad-gudub ku sameeya ay ciqaabtiisu noqonayso dil toogasho ama xabsi daa’in.

Isaga oo ka hadllayay munaasabada maalinta xaquuqda aadanaha ayuu sheegy in iyadoo ciqaabtaasi ay taallo haddana ay jiraan dad aanay waxba la ahayn in dastuurka lagu xad-gudbo.

“Xeerka ciqaabta dalkeenna u yaalla dambiga ugu horreysa ee uu sheegayo waa jabinta dastuurka oo ah qodobka 184-aad. Haddaba jabinta dastuurka ama isku-day ah in la jabiyo ciqaabtiisu waa xabsi-daa’in ama toogasho,” ayuu yiri Caydiid Ilko-xanaf.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa hadalkiisa ku daray inay jabinayaan iyadoo kala liidata biyo la cabay. Wuxuuna xusay inilka-xanaf haddii lagu dhaqmayo sharciga dalka uu qofkaasi mudanayo ciqaab adag.

“Nidaamyada dowliga ah, waxay la mid tahay dastuurka oo la jabiyo sidii in lagu tuntay sharcigii dalkaas u yaallay oo dhan, marka ciqaabtiisu caalamka oo dhan waa dil toogasho ama xabsi daa’in,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in  hay’adaha Somalia oo dhan la siiyay xeerkan, qofkii yiraahda ma garanayana ay tahay mid been ah, isagoo ku taliyay in lagu dhaqmo xeerarka dalka u yaalla, taasoo uu ku sheegay in ay tahay mid sharciga iyo xuquuqda aadanaha lagu ilaalin karo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!