C/fitaax Xassan Afrax oo ah musharax xildhibaan aqalka hoose

by wadani | Saturday, Nov 12, 2016

Jowhar : HN :-  C/fitaax Xassan Afrax  ku dhawaqay in u yahay musharax u tagan  inu  ka mid noqdo Xildhibannada Cusub ee Maamulka Hirshabeelle u matalay Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Munaasabada  lagu qabtay Magalaada Jowhar ee Xaruunta gobolka shabeellaha dhexe ayuu uga dhawaqay Cabdifataax Xassan afrax in yahay musharax Xidhibaan  sannadkan 2016-ka.

Cabdifataax Xassan Afrax ayaa sheegay in u ku rajo weyn yahay inu ku guuleysto inu ka mid noqdo Xildhibannada Cusub ee Baarlamaanka Federaalka isago ka codsaday 51 xubnood ee ka soo jeeda beeshiisa in ay doortan.

Ugu dambeyntii Cabdifataax Xassan afrax ayaa labo jeer soo noqday Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowlada Federaalka Somaliya.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!