C/fitaax Xassan Afrax oo eedeyn u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle

by wadani | Wednesday, Nov 16, 2016

Jowhar : HN :-C/fitaax Xassan Afrax oo goor dhaw la hadlay Qormo.net. ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle amar ku bixiyay in laga saaro hoolka doorashada magaalada Jowhar, xili uu isku diyaarinayay in uu u tartamo kursiga aqalka hoose ee beeshiisa.

”Arrintan waxaa ka dabeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa amar ku bixiyay in leyga soo saaro hoolka doorashada, xabad ayaa leygu riday, ayuu yiri ” C/fitaax Xassan Afrax.

Waxaa uu intaa ku darray in wax doorasho lagu magacaabi karo ka socon magaalada Jowhar oo la doonayo sidda uu hadalka u dhigay in shaqsiyaad gaar ah la soo saaro.

”Ergadii beesha ee markii hore lagu hishiiyay in ay codeeyaan ee sharciga ahaa, kuwa aan aheyn ayaa hoolka leysugu keenay oo ay shaqsiyaad soo qor qorteen,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii, C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in arintan uusan ka hari doonin ilaa maxkamad la horkeeno kuwii ka danbeeyay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!