C/fitaax Xassan Afrax oo loo diiday in uu u tartamo xubinnimada aqalka hoose

by wadani | Wednesday, Nov 16, 2016

Jowhar : HN :-Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in C/fitaax Xassan Afrax oo ka mid ahaa musharixinta u tartameysa xubinnimada aqalka hoose, in laga saaray hoolka doorashada, kaddib markii uu sidddaa amar ku bixiyay taliyaha nabad-sugida labada gobol ee maamulka Hirshabeelle Cali Fanax.

Qof ku sugan magaalada Jowhar oo aan goor dhaw xiriir la sameynay ayaa in oo sheegay in C/fitaax uu ka mid ahaa musharixiinta magacyadooda la soo dhajiyay si ay ugu tartamaan kursiga aqalka hoose ee beesha Cali Madaxweyne/Xawaadlle, hasse ahaatee markii danbe hoolka laga saaray sababo aan la ogeyn.

Musharixiinta kursiga ku loolamaya ee liiska ku qoran ayaa kal ah

1   Dahabo Xasan Axmed

2- C/fataax Xasan Afrax

3- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

4- Xasan Cali Cabdi

5- C/raxmaan Jimcaale Cusmaan

Mar aynu isku daynay in aan khadka talleefoonka kula hadlano C/fitaax ayeey noo suurtagalin, hasse ahaatee ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Jowhar, ayaa inoo sheegay in uu u jiheystay dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!