C/fitaax Xassan Afrax” wuu socdaa qorshaha dhismaha maamulka G Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe

by admin | Tuesday, Jan 6, 2015

Beledweyne : HN :– Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaa dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe islamarkaana qorshaasi yahay mid hadda socda.

‘’Guddaha iyo dibadaba waa ay ka socdaan shirarka loogu gogol xaarayo dhismaha maamulka ay ku mideysan yihiin labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, shirweynaha dhismaha maamulkaas waxaan rajeynayaa in uu ka furmo magaalada Beledweyne ayuu yiri’’ guddoomiyaha gobolka.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal aheyd in gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dhismaha maamulka loo sameynayoGudomiyaha-gobolka-hiiraan- gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa uu sheegay in uusan arrintaa wax badan kala socon, laakiin isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya horay uga wadda hadlleen arrinta la xiriirta dhismaha mamaulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa siweyn ugu howlan hergalinta nidaamka federaaliisamka, waxaana muuqata in hadda lagu howlan yahay maamul u sameynta gobollada dhexe oo ka kooban Galguduud iyo Mudug oo dhwaan la fillayo in shirweyne uu ku furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!