Cidammada AMISOM oo isaga baxay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Shabeellaha hoose : HN :–Ciidammo ka tirsan kuwa ururka Midowga Africa ee AMISOM ayaa isaga baxay fariisimo ciidan ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay horay uga qabsadeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka baxeen deegaannada kala ah; Bariirre iyo Aw-dheegle, iyagoo gaadiidkii dagaalka iyo agabkii kale ee ciidan ee ay halkaas ku haysteenna lasoo baxeen.

Dad ku sugan deegaannadaas ayaa warbaahinta u heegay in xalay illaa saaka ay ciidamadan ka guurayeen deegaanadaas oo ay muddoCiidamada_Dowladda_&_kuwa_AMISOM badan fariisimo ku lahaayeen, iyadoo deegaanadaas ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Ma jirto sabab ramsi ah oo la sheegay in ciidamada AMISOM ay deegaannadaas kasoo baxaan, iyadoo aysan jirin ciidammo kale oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Somalia oo lagu bedelay ciidamada banneeyay fariisimahan.

Sidoo kale, dadweynaha deegaanka aqaarkood ayaa sheegay inuu soo food-saaray walaac xooggan oo dhanka ammaankooda ah; iyagoo sababta ku sheegay inay ciidamada baxaya ammaanka wax weyn ka qabteen.

Illaa hadda ciidamada AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose kama aysan hadlin ciidanka ka baxay saldhigyadoodii ku yaallay deeganno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!