Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku raad jooga dhaqaatiir ay afduubteen Al-shabaab

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

Gedo : HN :– Ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa baadi-goob ugu jira  dhaqaatiir la sheegay in ay afduubtee xarrakada Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan oo lalal xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab ay afduubteen sadexdaasi dhakhtar oo la sheegay inay ka hawlgalayeen cisbitaalka magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe oo la hadlay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaaa sheegay inGarbaha dhaqaatiirta ay tababarro ku soo qaateen dalka Kenya isla markaana laga qafaashay meel u dhaw degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo, xili ay ku soo jeedeen Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in dhaqaatiirta loo badinayo inay afduubteen Al-shabaab, wararka afduubkaas ku saabsan ayaa sheegaya in ay dhici karto dhakhaatiirtan inay ka hawl gali jireen cisbitaalka degmada Buur dhuubo ee isla gobolka Gedo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!