Ciidamada badda Puntland iyo kooxo burcad badeed ah oo ku dagaallamay degmada Garacad

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 11 views

Mudug : HN :   Wararka laga hallayo gobollka Mudug ayaa sheegay in 24 saac  ee la soo dhaafay xeebaha degmada Garacad ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidamad badda Punntland iyo kooxo burcad badeed ah.

Inta la og-yahay hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday dagaallka, halkaa dhinaca burcad badeeda laga dillay sadax ruux, sidoo kalana waxaa uu dhaawac soo gaaray lix qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii ay dirirtu dhaxmartay.

Dagaalka ama iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii ciidamada badda Puntland ee fadhigooda ahaa degmada Eyl weerar qorsheysan ku qaadeen kooxo burcad ah oo muddo saddex sano ku dhow xeebaha degmada Garacad ku haystey markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Marar badan ayeey isku dayeen ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kacay in ay soo furtaan Markabka lagu magacaabo MV ICEBERG-1

Burcadda markabka MV ICEBERG-1 uu gacanta ugu jiro ayaa dalbaday lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 ilaa 8 milyan oo Dollar, inkasta oo ay shirkadda iska lihi ka madax adagtay in ay lacagta intaas le’eg bixiso.

Howlgalka ay sameeyeen ciidamada badda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili sanadkan sii dhamaanaya ee 2012 ay si aad ah hoos ugu dheceen weeraradii ay gaadiidka maraya badaha caalamiga ah ku qaadi jireen kooxaha burcad-badeedda Soomaalidu, haseyeeshee waxaa weli gacantooda ku jira tobanaan markab iyo badmaaxiin boqolaal gaaraya.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!