Ciidamada badda Talyaaniga oo badbaadiyey tahriibayaal ka badan 5000

by admin | Monday, May 4, 2015

Rom: HN: -Ku dhawaad 5,800 oo tahriibayaal ah ayaa laga badbaadiyay xeebaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga 48 saac ee lasoo dhaafay, waxaana meydkooda la helay 10 ruux, sida ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ay shaaciyeen.

Waa howlgalkii badbaadin ee ugu badnaa ee sanadkaan ka dhaca xeebaha Talyaaniga iyo Libya oo lagu badbaadiyo dad tahriibayaal ah oo doonaya iney galaan qaarada Yurub.

Labo todobaad ka dib markii 900 oo ruux ay ku qalibmeen biyaha Medirerranean ayaa haddana dadka waxay ku sii dhiiranayaan iney nolol dhaanta midda Africa ay ku heystaan ka raadiyeen wadamada Qaarada Yurub.

Meydadka 7 ruux ayaa laga helay iyaga oo ku hoos jira caagag ay adeegsanayeen, waxaana badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga kuwaasi oo sheegay in dadkii ugu badnaa ay badbaadiyeen sanadkaan.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay iney badbaadintaasi ka shaqeeyeen ciidamadooda badda, sidaasi oo kale waxaa howlgalka ka qeyb galay ciidamada dalka Faransiiska.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!