Ciidamada dowlada iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Raage Ceele ee Sh. dhexe

by Yahye | Tuesday, Sep 30, 2014

Jowhar; HN;- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Raage Ceelle ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa howgalka ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay kula wareegeen deegaanno ay ka mid yihiin Calool weyn, Cali gumare, xagaay gaf iyo kuwa kale, waxaana ay ciidamadu ku sii si qayaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi.

Maamulka gobolka Shabeelada dhexe ayaa ayaa sheegay in Ciidamada iyo kuwa Amisom oo si rasmi ah ula Wareegeen Deegaankaasi

Xaalada Deegaanka Raage Ceelle ayaa la sheegayaa in tahay mid aad u dagan iyadoona Ciidamada Dowlada ay halkaasi ku sugan yihiin.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!