Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaray Aboorey gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

B/weyne; HN;- Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta tuulada Abooreey oo 30 KM dhanka Waqooyi-bari ugu beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay ee ciidmada huwantu gaaraan deegaanka Aboorey halkaas oo aay ka talin jireen ururka Al-shabaab.

Deegaanka ayaa la sheegayaa in wax dagaal ahi ka dhicin, kooxdii Al-shabaab ee halkaa joogtayna aay baneeyeen,

Taliyaha howlgalinta ciidanka xooga ee degmada Buula-burte Gaashaanle Cabdullaahi Barre  ayaa sheegay sababta aay halkaa u tageen aay tahay inay soo badbaadiyaan baabuur xamuul oo ganacsato u rarnaa oo halkaa aay ku xanibeen kooxda Al-shabaab isagoona sheegay in dhamaan baabuurtii iyo ganacsigii saarnaa aay soo badbaadiyeen.

Cabdullaahi Barre  ayaa sii raaciyey in ciidanka dowladda ee degmada Buulo-burte ay ku wajahan yihiin tuulooyinka kale ee Maleeshiyada Al-Shabaab ay ka joogaan degmada, isagoo xusay inay sii wadi doonaan howgallada inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!