Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay taliye sarre oo ka tirsan Al-shabaab

by Yahye | Saturday, Dec 27, 2014

Ceelwaaq; HN;- Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen mid ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab, oo aad loo doon doonayay.

Sakariya Ismaaciil Xirsi ayaa lagu qabtay howlgal saaka ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen magaalada Ceelwaaq ee u dhow xadka dalka Kenya.

Taliyaha ciidanka gobolka Gedo, Jeneraal Cabbaas Ibraahim Gurey, ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA, inay howlgalka qaadeen kaddib markii ay ka heleen qaar ka tirsan dadweynaha xog ku aaddan in rag ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhuumanayaan guri ku yaalla magaalada.

Cabbaas ayaa sheegay in Sakariya lala qabtay xog-hayihiisa. Jeneraalka ayaa sheegay in Sakariya, uu sitay bastoolad markii la qabanayay, balse ma uusan isku dayin inuu sameeyo wax iska caabbin ah.

Bishii June 2012, Mareykanka ayaa abaal-marin dhan saddex milyan oo doollar wuxuu dul-dhigay madaxa Sakariya, oo lagu tilmaamay inuu ahaa gacanyare aad ugu dhow hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Wareysi uu siiyay VOA-da maanta isagoo xabsiga ku jira, Sakariya ayaa xaqiijiyay inuu xubin ka ahaa kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sheegay inuu kooxda ka baxay 18 bilood ka hor kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay hoggaanka kooxda.

Wuxuu sheegay inuusan ka war hayn in Mareykanka uu madaxiisa dul dhigay lacag abaal-marin ah.

Sakariya wuxuu sheegay inuusan waligiis noqon madaxa sirdoonka Al-Shabaab, sida horey loo shaaciyay. Wuxuu sheegay inuu dhowr jago qabtay, oo ay ku jirtay madaxa maamullada gobollada, uuna ka mid ahaa taliyayaasha maleeshiyada Al-Shabaab.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!