Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay degmada Tiyeegloow

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

Tiyeegloow : HN :–Ciidammada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa weerar ku qaaday fariisimo xoogagga Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannka Tiyeegloow, iyaga oo sheegay saraakiisha ciidamada in weerarkaasi ay ku dilleen tiro a mid dagalyahannada Al-shabaab.

Col C/raxmaan Tima-cadde taliyaha ciidamada militariga  gobolka Bakool oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan degmada Tiyeeglow ayaa sheegay in ay weerareen fariisimo ay Al-shabaab ku lahayd duleedyada degmadaas.

“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamada dowladdu fariismo ay Al-shabaab lahayd ku qaadeenCiidamada-Soomaaliya-620x330, waxaana halkaas ku dilnay shan ka mid ah xoogagii Al-shabaab,” ayuu yiri Col. Tima-cadde.

Waxaa uu intaa ku darray in ciidammada ay ku guuleysteen inay gabi ahaan xoogaggii Al-shabaab ka saaraan deegaannada ku dhow Tiyeeglow, balse ma uusan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaartay dagaalka.

“Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay howlgallo aan ku doonayno inaan Bakool kaga saarno Al-shabaab, wayna sii soconayaan,” ayuu hadalkiisa taliyuhu ku daray hadalkiisa.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaanahan waxay ka wadeen gobolka Bakool howlgallo ay kula dagaalamayaan xoogagga kaga sugan Al-shabaab gobolkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro weli hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan weerarka lagu qaaday fariisamahooda Tiyeeglow iyo askarta looga dilay weerarkaas ee uu sarkaalka u hadlya dowladda ku sheegtay inay gaarayaan shan ruux.

Al-shabaab ayaa shalay aroortii weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Somalia ku lahaayeen duleedka degmada Baydhabo ee gobolka Bay waxay ku dileen toddoba askari, iyagoo dhaawacay tiro intaas ka badan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!