Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay gobolka Bakool

by admin | Friday, Oct 3, 2014

Bakool : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaalya ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray deegaan ka mid ah gobolka Bakool ciidamada dowlada oo garabsanaya ciidamada AMISOM iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Dagaal ka dhacay oo ka dhacay meel u jirta 40km degmada Waajid ayaa yimid kadib markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerareen saldhig ay ciidamada Alshabaab ku lahaayeen meel keyn ah.

C/llaahi Aadan Yariisoow guddoomiyaha degmada Waajid ayaa sheegay in dagaalka ay ciidamada dowlada ay ku jebiyeen dagaalyahanoDagaal_dd-620x330 ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa saldhigaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen labo ka mid ah dagaalyahanada ururka Alshabaab isla markaana ay ka saareen saldhigii ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamadii weerarka qaaday aysan soo gaarin wax khasaare ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab oo ku saabsan dagaalkan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!