Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay gobolka Gedo

by admin | Sunday, Nov 30, 2014

Gedo : HN:– Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu magaalada Garbahaare ee xarunta u ah gobolka uu ku dhaxmaray ciidammada dowladda iyo xarrakada Al-shabaab, kaddib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen degmada.

Jaamac Mukhataar Xirsi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo ee gobolka Gado ayaa sheegay in Al-shabaab ay dagaalkaas waxyeello  ku gaarsiiyeen, isla markaana ay ka qabteen laba ruux oo midkood uu yahay dhaawac.

“Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar abushaad ah isku dayay inay soo weeraraan saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay duleedkadagaal Gabahaarey, balse khasaare ayaan u geysannay,” ayuu yiri Xirsi oo intaas ku daray inay dileen saddex ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ma jirto sarkaalka khasaare dhankooda soo gaaray oo uu sheegay, laakiinse Al-shababaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegatay inay weerarkaas guulo ka gaareen, inkastoo aysan sheegin khasaare kasoo gaartay iyo mid ay iyagu u geysteen ciidamadii ay weerareen.

Al-shabaab waxay warkeeda ku xustay in ciidamadeedu ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan saldhigga ay weerareen, sidoo kalena ay madaafiic ku garaaceen xarun ay degmada Garbahaarey ku leedahay hay’adda WFP.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab weerarro noocan oo kale ah ku qaaddo saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin gobolka Gedo oo ay intiisa badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!