Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo gaaray deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne

by Somali | Saturday, Feb 2, 2013 | 20 views

7467Baladweyne : HN :   Kadib dagaal culus oo habeen hore ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab, ayaa howlgal ay sameeyeen ciidamada isbaheysanaya waxaa ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ku yaala duleedka magaalada Baladweyne.

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan oo ka warbixiyay howlgalka ayaa sheegay in howlgalka socda uu bilow u yahay qorshe la doonayo in lagula wareegi guud ahaan deegannada gobollka oo ay hadda ku sugan yihiin Al-shabaab.

Col Towane Axmed Gurey oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay ciidamada dowladda iyo AMISOM isku fidiyeen deegaanno dhowr ah oo markii hore ay saldhigyo ku lahaayeen kooxda Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in howlgalku sii socon doono.

‘’Ciidamada hadda waxaa ay ku sugan yihiin dhul wax ka badan 60km ka baxsan magaalada Baladweyn, waana ay sii socon doonaan ciidamada ilaa lala wareegayo dhamaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab,’’ ayuu yiri Towane Axmed Gurey.

Dagaal culus oo habeen hore  ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog leh oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ay sheegeen saraakiisha maamulka in ay dilleen rag sar sare oo  ka tirsan Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!