Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Fiidoow

by admin | Monday, Sep 1, 2014

Muqdisho : HN :– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo saacadihii ugu danbeeyay dhaq-dhaqaaqyo militari ka wadday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan Shabeellaha dhexe ayaa gallinkii danbe ee maalintii shalay deegaannka Fiidoow ee kala qeybiya goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha ciidamada, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo gellinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Fiidoow ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

“Howlgalku si toos ah ayuu u socdaa, waan ku raad-joognaa Al-shabaab qorshaheenuna waa inaan uga daba-galno meel walba oo ay2014831635450869664869522vlcsnap-2014-08-31-16h39m16s249 galaan. Waayo awooddoodii ayaa hoos dhacday, meel walba oo ay ciidamadu wajahaanna way ka cararayaan,” ayuu yiri Jen. Khaliif.

Sidoo kale, abaanduulaha ciidamad xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen gobollada dalka oo dhan, ayna Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ku sugan.

“Ciidamada dowladda sida iyo kuwa AMISOM sida lala socdo waxay maanta qabsadeen degmada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellada Hoose, waana qayb ka mid ah howlgal-keenna qabsashada degmadaas,” ayuu hadalkiisa ku daray abaanduulaha xoogga dalka.

Abaanduulaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in howlgalka ay ugu Bad-weynta Hidiya ay ugu magac-dareen uu socon doono tan iyo inta ay taako ka mid ah Soomaaliya ka saarayaan Al-shabaab.

“Waxaa ka mid ah qorshaheenna in kooxdan aan xitaa ka saarno meelaha miyiga ah oo ay ku dhuuntaan marka magaalooyinka laga qabsado, mana dhici doonto inay mar dambe halkaas kasoo abaabulaan weerarrada ay ku dhibaateynayaan shacabkeenna,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa sidoo kale maanta la wareegay Dhiin-garas oo ka tirsn ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo weli aysan ka hadlin Al-shabaab deegaannada gobolka Shabeellada dhexe ka tirsan ee ay maanta kala wareegeen ciidamada huwanta ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!