Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmad Baraawe

by admin | Sunday, Oct 5, 2014

Baraawe: HN :– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa saakay gudaha gallay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose kaddib markii ay halkaa isaga baxeen xoogagga Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in boqolaal ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ah gudaha u soo galleen degmada, islamarkana la arkay iyaga oo ku dhax lugeynaya degmada.

Magaalada dadkii deganaa badankooda waa ay ka barakaceen, dadka ku haray Magaalada, ayaa sheegaayo inay arkayaan ciidamo badanDegmada_Baraawe_G_SH_Hoose (1) oo Amisom iyo kuwa Dowladda isugu jira oo Magaalada si aad ah ugu qul-qulaayo.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamada huwanta ay la wareegaan xarumaha Garsoorka, Saldhiga iyo guud ahaan goobihii maamulka u aheyd Ururka Al Shabaab intii ay Magaaladaasi ka talinayeen.

Wararka waxa ay sidoo kale sheegayaan in ciidamada Huwanta ay difaacyo ka sameysteen ilaa saddex Koontarool oo banaanka Magaalada ah, si ay halkaasi isaga ilaaliyaan weeraro culus oo Xoogaga Shabaab ay ku soo qaadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Siidii, ayaa sheegay in maanta ay kulan la qaadan doonaan qeybaha Bulshada ee Degmada Baraawe, ayna kala hadli doonaan sidii ay u taageeri lahaayeen Dowlada somaliya iyo ciidamada Amisom.

Waxa kale uu sheegay in Odayaasha Baraawe uu kala hadli doono sidii maamul loogu sameyn lahaa Degmadaasi, maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay Shabaab ay maamulayeen.

Degmada Baraawe ayaa noqonaysa mid kamid ah magaalooyinkii ugu muhiimsanaa ee gacanta Dowladda soo gala tan iyo markii uu biloowday howlgalka Badweynta Hindiya.

Ciidamadii Shabaab ee isaga baxay Magaalada Baraawe ayaa udhaqaaqay dhanka wadadada aada Jilib, halka ciidamo kale oo Shabaab ka tirsan ay ku sugan yihiin, Sablaale iyo aaga Ambareesa.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!