Ciidamada dowladda oo goor dhaw la wareegay deegaanka Raagge Ceelle

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Jowhar : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Raagge Ceelle.

Wararku waxaa ay sheeegayaan in ciidammada is baheysanaya si nabad ah ula wareegeen deegaanka Raage Ceelle, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo muddo ka talinayay degmadaas.

Taliyaha ururka labaad ee Guutada Afaraad G/lle C/qaadir Nuur Xasan (Qoondhe) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay si nabad kula wareegeen, isla markaana aanay jirin wax iska caabin oo ay la kulmeen.

“Degmada Raage Ceelle, si nabad ah ayaa kula wareegnay, ciidamada waxay hada xaqiijinayaan ammanka, qolyihii kale ee nabad diidkaCiidamada-Soomaaliya-620x330 ahaa waa ka carareen degmada”ayuu yiri G/lle C/qaadir Qoondhe.

Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya degmooyin iyo deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe oo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, Ruunir Good, iyo deegaano kale.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Cadale ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmadaas, iyadoo ciidamada huwanta ay kaabiga u saaran yihiin.

Degmada Raage Ceelle ayaa ilaa 100-km waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo magaalada Jowhar oo xarunta Shabeelaha Dhexe ay u jirto 63-KM.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!