Ciidamada dowladda oo qabtay labo konteenar oo qamri ah

by admin | Monday, Oct 20, 2014

Muqdisho : HN :–Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa dekeda magaalada Muqdisho ku qabtay labo koonteenar la sheegay inay ka buuxeen Khamri, iyadoo halkaas lagu wado in loogu soo bandhigo Saxaafada.

Konteenarada qamriga sida ayaa waxaa laga dejiyay mid ka mid ah maraakiib ku soo xirtay Dekeda Muqdisho, waxaana la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Dekeda Muqdisho ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in labada konteenar loo qabtay dadkii waday,inkastoo aan la ogeyn cida ay yihiin.

Mas’uuliyiin uu horkacayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ku sugan Dekeda Muqdisho, waxaana la filayaa14 inuu kula hadlo saxaafada.

Qamrigan faraha badan ayaa lagu wadaa in saaka lagu gubo barxada Iskool Polizio, waana markii u horeysay qamrigii ugu badnaa ee ay dowladda gacanta ku dhigto.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegta in uu mamnuuc yahay ka ganacsiga qamriga iyo in dalka la soo geliyo, balse waxaa la sheegaa in si qarsoodi ah dalka lagu keeno.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!