Ciidamada dowladda oo toogasho ku dillay rag la sheegay in ay dilleen askari

by admin | Saturday, Nov 1, 2014

Muqdisho : HN :– Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dillay rag ku hubeysnaa bastoolado oo sidda wararku sheegayaan kuwaa oo sidda la sheegay askari ku toogtay agagarka suuqa Cirtoogte magaalada Muqdisho.

Labadan ruux oo dhalinyaro ahaa, kuna hubeysnaa bastoolad ayaa ka hor inta aan dilin la sheegay inay si gaadmo ah ku toogteen askari ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in askari kale ay dhaawaceen.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo goobta ka ag dhowaa ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen labadii ruux oo isku dayay inay goobta ka baxsadaan.

Saraakiisha Nabadsugida ayaa sheegay in labada ruux lagu amray inay is dhiibaan, balse ay madax adeegeen, isla markaana ciidamadaDSC_1281 ay toogteen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labadan ruux ay caan ka ahaayeen suuqa bakaaraha, isla markaana ay horay u baadigoobayeen ciidamada nabadsugida ee saldhiga ku leh suuqa bakaaraha.

Dhinaca kale Ciidamada Nabadsugida ayaa maanta howl galo guri guri ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Dharkeenley, iyagoo ku soo qabtay dad iyo hub, waxaana howl galkan uu qeyb ka yahay go’aanadii ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamada nabadsugida ay toogtaan dad la sheego inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo askar ama dad kale dila, waxaana dhowr bilood ka hor aheyd markii askari ka tirsan dowladda oo lagu dilay isla suuqa bakaaraha, kooxihii dilka ka dambeeyayna isla goobta la dhigo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!