Ciidamada dowladda oo xabsiga dhigay guddoomiyaha xisbiga nabada iyo dumuqraadiyada

by admin | Wednesday, Oct 1, 2014

Muqdisho : HN :– Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka Soomaaliya ayaa xiray guddoomiyaha xisbiga nabad iyo dimuquraadiyada,C/laahi Sheekh Xasan.

Wararka ka soo baxaya xariga guddoomiyaha xisbiga nabad iyo dimuquraadiyada ayaa sheegaya ciidanka inay ku xireen garoonkaBREAKIN diyaaradaha Muqdisho halkaas oo u ka soo deggay ,C/laahi Sheekh oo ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xuseen Calasoow oo kamid ah dadkii la socday C/laahi Sheikh Xasan oo kala yimid magaalada Nairobia ayaa sheegay in Ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya ay xireen,oo garonka diyaarada Muqdisho ay ka qabteen.

Ilaa hadda lama oga ujeedka loo xiray C/laahi Sheikh Xasan gudoomiyaha xisbiga nbad iyo halka lagu haayo intaba.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakisha ciidanka nabad-sugidda qaranka kaaso ku aadan xariga C/laahi Sheikh Xasan,mana jirto cid ka hadashay sababta ka danbaysay xariga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!