Ciidamada dowladda Soomaaliya Al-shabaab oo ku dagaallamay Bakool

by admin | Friday, Oct 10, 2014

Bakool : HN :–Inta la og-yahay 10-ruux oo dhinacyadii ay u dhexeeyeen dagaallada ayaa dhintay, tobaneeyo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaallo culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

C/llaahi Aadan Yariisoow guddoomiyaha degmada Waajid ayaa sheegay inay saddex dagaal isaga horyimaadeen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, ayna khasaare labada dhinac soo gaartay.

Sidoo kale, guddoomiyaha Waajid ayaa sheegay in dhankooda ay kaga dhaawacmeen shan askari, inkastoo uusan sheegin dhimasho kasoo gaartay ciidamada dagaalkii ay la galeen Al-shabaab.

“Hub fara badan ayaan ka furannay Al-shabaab, waxayna markii dambe u dhaqaaqeen dhinaca degmada Baydhabo ee gobolka Bay,00000000000 waxaana naloo sheegay inay ku sugan yihiin deegaanka Labaatan-jiroow iyo deegaan kale oo 53-km u jira degmada Waajid,” ayuu guddoomiyaha degmada Waajid hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, goobjoogayaal deegaannada lagu dagaalamay ku sugan ayaa u sheegay warbaahinta inay arkeen maydadka siddeed ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, dhawaacyo badnna ay jiraan.

Goobjoogayaashu waxay intaas ku daraeen inay jiraan dad shacab ah oo ay waxyeello kasoo gaartay madaafiicdii ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen, iyadoo dagaalladan oo shalay ay dhacay ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee gobolkaas ka dhaca bishan.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan dagaallada ay ciidamada dowladda kula galeen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo dagaalladan ay ku soo beegmayaa xilli Al-shabaab laga qabsaday degmada Baraawe oo muhiim u ahayd.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!