Ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

by admin | Saturday, Aug 8, 2015

Halgan; HN;- Wararka ka imaanaya Halgan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya maanta dad shacab ah xasuuq ugu geysteen degaanka Halgan, dadka la xasuuqay oo saarnaa baabuur hoomeey ah oo ka soo kicitimay magaalada B/weyne iyagoona ku socday magaalada Halgan.

Ciidamada Itoobiya ayaa rasaas ooda uga qaaday baabuurka hoomeyda ah irida magaalada, baabuurka ayaa ka soo galay dhinaca deegaanka Qansax, kadib markii darawalku joojiyey baabuurka waxaa la soo dejiyey dadkii saarnaa kadibna waxaa lagu furay rasaas, waxaa halkaa ku naf waayay 6-qofood oo uu ka mid yahay nin ka mida qurbo jooga laguna magacaabo Cilmi Shabeel, Cilmi Shabeel ayaa ka yimid dalka Ingriiska.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhamaan dadka saarnaa baabuurka aay ahaayeen shacab aan hubeysneyn.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ayaan weli ka hadlin xasuuqa foosha xun, magaalada Halgana waxaa ka jira cabsi.

Shalay ayay ahayd markii Halgan laga qabsaday Al-shabaab, ayna qabsadeen ciidamada huwanta ee Itoobiya iyo kuwa dowlada Somaliya.

La soco wararka dambe wixii faah faahin ah.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!