Ciidamada Jabuuti oo saldhigyo cusub ka sameystay magaalada Baladweyne

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 10 views

Baladweyne : HN :  Ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa fariisimo cusub ka sameystay saldhigyo ka tirsan xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

Ku-xigeenka guddoomiyaha gobollka ee dhinaca nabad-galyada ayaa sheegay in boqolaal ciidamo ah ay saakay u gudbeen xaafadda Howl-wadaag, halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen, kadib markii ay xaalado amaan darro ku soo kordheen xaafaddaha maalmihii ugu danbeeyay.

‘’Ciidamada Jabuuti kaalin fiican ayeey ka qaadanayaan amaanka magaalada Baladweyne, runtii waan uga mahad celineynaa, maantana saldhigyo ay ka sameysteen xaafadda Howl-wadaag ee Baladweyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa hadda fariisimo ku leh saldhiga Baladweyne iyo xarunta maamulka gobollka oo wali uu ka muuqdo bur bur xoog leh oo ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo ay kooxda Al-shabaab la beegsadeen horaantii sanadkii aynu soo dhaafnay ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhig ku lahaa xarunta.

Ciidamada Jabuuti ayaa isbadal nabad-galyo la taaban karo ka dhaliyay magaalada Baladweyne, oo hadda amaankeedu soo hagaagayo.

Hiiraan Net.

 

Like it? Share it!