Ciidamada Kenya oo dillay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

by admin | Thursday, Oct 9, 2014

Nairobi :HN :–Siidda lagu qoray  wargeyska The Standard ee dalka Kenya  ciidamada dowladda Kenya ayaa la sheegay in ay dilleen  sarkaal ka tirsan Al-shabaab kadib howlgalkii deegaannka Buula-gaduud

Col David Obonyo oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa u sheegay wargeyska The Standard in dagaalka oo dhacay xalay 9,kii inay gubeen gaari nooca dagaalka ah oo Shabab lahaa hub inay furteena waa uu sheegay.

Obonyo ayaa warkiisa ku sheegay inay jiraan dhawr dagaalame oo ka baxsaday ayagoo qaba dhaawacyo sida uu sheegtay waxaana uu kaCiidamada_Kenya_Kismayo_2 gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Ciidamada Kenya sidoo kale maalintii Isniinta ayay sheegteen in isla degaanka ay ku dileen 22 dagaalame oo Al-Shabab ka tirsan kadib markii ay ku duuleen.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sidoo kale ku waramaya inay kasoo xigteen saraakiishooda Soomaaliya jooga inay isku diyaarinayaan duulaan ay ku qaadaan degmada Jilib oo ka mid ah degmooyinka ku jira gacanta Al-Shabaab.

Dhanka kale warar lagu qoray warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabab ay guul ka gaareen dagaalkii xalay oo iyagu ay qaadeen isla markaana ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada huwanta ah ee dhawaan degaanka Buulo Gaduud qabsaday.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!