Ciidamada Kenya oo weeraro ka dhan ah masaajida ka wadda Mombasa

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

Mombasa : HN :– Ciidmadda dowladda Kenya ayaa gallay ama gudaha u gallay masaajidkii saddexaad oo ku yaal magaalada Mombasa, iyagoo ka helay hub, bambooyin, baangado iyo aalado laga sameeyo qaraxyada.

Booliska ayaa sheegay in masaajidkan ay ka heleen qoraalo lagu dhiira gelinayo dhalinyarada xagjirnimada, isla markaana ay xir xireen tiro dhalinyaro ah.

Madaxa booliska ee deegaanka Kisauni ee magaalada Mombasa Richard Ngatia ayaa sheegay in masaajidka ay dhawaan la wareegeen dhalinyaro xagjiriin ah.

Weerarka maanta lagu qaaday masaajidka ayaa daba socda weeraro kale oo ay isniintii booliska ku qaadeen masaajidada Musa iyoHowlgallo-ka-socda-magaaladda-Kampala-iyo-Soomaali-lugu-xir-xiray Sakina, halkaasoo laga qab qabtay boqolaal ruux.

Saddexda Masaajid oo howl galka laga sameeyay ayaa gebi ahaanba la xiray, iyadoo dowladdu ku soo rogtay in aysan dadka isticmaali karin.

Wasiirka amniga ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in weerarada masaajidada ee la rumeysan yahay in ay gabaad u yihiin xagjirta  in la sii wadi doono ilaa ammaanka magaalada Mombasa laga sugayo.

Wadaadada Islaamka ah ayaa waxa ay cambaareeyeen weeraradaasi lagu qaaday masaajidada, waxa ayna sheegeen in arrintaasi ay ku sii riixi doonto dhalinyarada xeebta in ay noqdaan xagjiriin.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!