Ciidamada militariga DF oo howlgal ka fuliyay wadada xiriirisa Jalalaqsi iyo Buula-burte

by admin | Wednesday, Dec 31, 2014

Buula-burte : HN :– Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ciidammada militariga dowladda Soomaaliya ka fuliyeen wadada isku xirta degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid ciidammada ay doonayeen in ay halkaa kaga sifeeyaan sidda uu hadalka u dhigay haraadiga Al-shabaab gargaarna loo gaarsiiyo dadka ku dhaqan degmada Buula-burte.

“Waxay soo qaadeen saddex weerar, waana iska caabinay, 7 ayaa ka dilnay oo uu ku jiro nin Amiir ahaa oo laguCiidamada-dowlada-Iska-horimaad magacaabo Shiikh Cali Yare, ciidanka xooga dalka saddex askari ayaa ka dhaawacantay”ayuu yiri Jen, Qaafow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii ay gar-gaarka sama falka u gaarsiin lahaayeen degmada Buulo Burde, isagoo xusay inuu ahaa amar Madaxweynaha ka soo baxay in si xoog ah raashin gargaar lagu gaarsiiyo Buulo Burde, halkaasoo dhibaato nololeed ka jirto.

Taliyaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in ugu dambeyn maanta ay gaarsiiyaan gar-gaarka sama falka ee ay u sidaan degmada Buulo Burde sida uu yiri.

Ciidamada Milateriga ayaa gaadiid fara badan oo sida raashin gar gaar ah ka soo galbiyay degmada Jalalaqsi oo muddo 70 cisho ku xanibnaa.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!