Ciidamada nabad-sugida oo gacanta ku dhigay hub iyo gadiid loo adeegsan dilalka qorsheysan

by admin | Friday, Nov 14, 2014

Muqdisho : HN :– Ciidmmada sida gaarka ah u tababaran ee  nabad-sugida Qaranka ayaa howlgal ay ka sameyeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dherkeenley waxaa ay u soo qabteen hub iyo gadiid sidda ay sheegeen loo adeegsan jiray walxaha qarxa.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howl galkan uu ka dambeeyay markii ay macluumaad heleen, isla markaana ciidamada Nabadsugida ay qaadeen howl gal ka hortag ah, waxaana uu intaa ku daray in guriga laga helay gaari nuuca Surf ah oo lagu fulin jiray weerarada.

“Gurigan dowladda ayaa la wareegtay, waxaa laga helay jaakadaha qarxa iyo qaraxyo kale oo ay doonayeen Al-Shabaab in maalmo dhow ay fuliyaan, gaarigan muddo ayaa ku raad-joognay waxaa horay loogu fuliyay dilalka ilaa afar xildhibaan oo ay ku jireen Xildhibaan Xeyd, Xildhibaanad Saado”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada ay guriga ka heleen boorsooyinka dumarka qaataan oo waxyaabaha qarxa kanabadsugida buuxiyeen iyo warqad dar daaran uu qoray nin is qarxin rabay, waxaana uu sidoo kale tilmaamay in saddex qof oo ragg ah iyo haweeney lagu qabtay guriga.

Ninka Guriga u kireysnaa oo magaciisa ku sheegay maxamed Ibraahim ayaa sheegay in isaga uu alaabtan u hayay nin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana dhowaan loo soo dhiibtay, baabuurkana guriga yaalayna oo ay rasaas ka muuqdeen la siiyay, si uu alaabta uu u haayo ee qaraxyada ugu geeyo marka ay u baahdaan, waxaana uu intaa raaciyay in isaga lacagta lagu siin jiray adeega EVC oo Mobil-ka lacagta loogu soo diri jiray.

Intii howl galku socday ayaa ciidamada waxay xireen xaafadaha ka ag dhow guriga howl galka laga fulinayay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in in muddo ah dhaq dhaqaaq xaafadooda ay ciidamada hakiyeen.

Howl galkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay weeraro lagu fulinayay gaadiid ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, iyadoo uu ugu dambeeyay dil shalay sidan oo kale loo fuliyay oo lagu dilay nin sarkaal ahaa iyo wiil uu dhalay.

 

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!